XOG: Dhalinyarada Mooto Bajaajta oo qorshe cusub oo ay kaga hortagayaan dilalka loo geysanayo diyaarinaya

Waxaa sii kordhaya tacadiyada,dilalka iyo Hanjabaadda lagu hayo dhalinyarada ku xamaasha Mooto Bajaajta magaalada Muqdisho,waxayna caqabadaasi oo dhan kala kulmayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo mushaar u qaata canshuurta laga uruuriyo.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ilaa iyo 4-dhalinyaro oo ku shaqeysto Bajaajta ayaa lagu dilay Muqdisho oo aanay jirin cid wali ka hadashay.

Maamulka Gobolka Banaadir wali kama hadlin arrintaan,waxayna u muuqataa mid faraha ka sii baxeyso.

Dhalinyarada Mooto Bajaajta ku shaqeysta ayaa ku dhow iney shaqo joojin sameeyaan haddii ay sii socdaan dilalka bareerka ah ee loo geysanayo.

Arrintaan waa mid xasaasi ah, jidadkoo xiran iyo meyd joogto ah ma qaadan karto Muqdisho. Waa iney Dowladu curisaa falsafad midaan ka duwan. Sidoo kale waa iney cadaaladu qabataa ciidankan dhalinyaradii laayay, oo ay laamaha garsoorku shaqeeyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan xil weyn iska saarin dilalka arxandarada ah ee lagu fulinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta kuwaasi oo ku badan magaalada Muqdisho.