Gaari Qaad Siday iyo Dadkii Saarnaa oo La Gubay & Khasaaraha Dhimasho

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ay gubeen gaari Qaad siday.

Shabaab ayaa gaariga la helay qoriga loo yaqaano Baasuukaha xili uu marayay deegaanka Batra-miin oo u dhaxeeya Golweyn iyo Buula-mareer oo ka tirsan Gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku geeriyooday ilaa afar qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga oo ku socday deegaanka  Shaleembood.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in deegaanka Golweyn lagu gubay gaari Hoomey ah oo siday Qaad kadib markii la lahelay qoriga loo yaqaani Baasuukaha.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in weerarka ay ka dambeeyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab oo goobahaas ku xoogan.