XOG: Farmaajo Iyo Kheyre Oo Hal Musharax Awoodooda Isugu Geynaya Si Uu U Noqdo Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Warqaadnews ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay awoodooda isugu geynayaan Hal Musharax si qof aan siyaasadooda la jaanqaadi Karin uusan ugu guuleysan Guddooomiyaha Golaha Shacabka.

Kulamo aan kala joogsi laheyn oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga filan karaa in sida ay wax u rabaan ay u dhacaan Madaxda dalka, waxaana iyagoo ka cabsi qaba in lagala dhex baxo ay balanta kaga baxeen dhowr Musharax oo hore loogu balanqaaday in la taageerayo, waxayna ka walwalsan yihiin hadii dhowr qof lacago ku bixiyaan in Hal qof oo si weyn loo taageeray uu ka guuleysto.

Waxaan la ogeyn qorshaha ay wadaan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Faarax Cabdi qaadir oo ololahan wakiil kaga ah Damu-jadiid oo Musharax wato iyo Dowladaha isku garbinaya siyaasada Soomaaliya oo Musharaxiin wata.

Waxaa la sheegayaa in Musharaxiinta qaar ay yihiin Wasiiro, lagana yaabo inta aanay si rasmi ah ugu dhawaaqin in qaarkood lagu saaro cadaadis inay tanaasulaan, si hal musharax oo lagu mideysan yahay loo xusho.

Hase ahaatee Musharaxiin kale oo Xildhibaano ah oo damac ugu jira xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyana laga yaabaa in isku soo sharaxaan, kuwaasoo saameyn ku yeelan kara Musharax Madaxtooyada iyo Xukuumadda wadato.

Kulamo kala duwan ayaa labadii cisho ee u dambeeyay ka socday Muqdisho, kuwaasoo looga arrinsanayay Musharaxiinta la xulanayo, walina ma jirto illaa iyo hada hal musharax oo la isku raacay, waana tan keentay inay daahdo xafladihii la filayay inay sameystaan Musharaxiinta

 

 

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here