Xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka George H. W. Bush oo dhimasho isu diyaarisay

Barbara Bush (92-jir), xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka George H. W. Bush ayaa iska diiday dhamaan daawooyinkii kala duwanaa ee ay qaadan jirtay, waxayna isku diyaarineysaa dhimasho, sida ay sheegeen eheladeeda.

Haweeneydan oo caafimaadkeedu aad u liito ayaa iska diiday dawooyin cusub oo ay dhakhaatiirtu usoo bandhigeen kuwaas oo lagula tacaalayo caafimaadkeeda, waxaana ay go`aansatay in ay dawo la` aan ay dhimato.

Barbara oo iminka seygeeda kula nool magaalada Houston ayaa soo aheyd marwada dalka Mareykanka sanadihii 1989 ilaa 1993, xilligaas oo uu seygeeda George H. W. Bush (93-jir) ahaa madaxweynaha Mareykanka.

Sanadihii u dambeeyay waxa ay u dhaxeysay isbitaalka iyo guriga sababo la xiriira caafimaad darro dhinacyo badan oo lasoo daristay.

Bush iyo Barbara ayaa wada noolaa muddo 73 sano ah.

Iminka eheladeeda ayaa ku xeeran, sida ay sheegeen dhakhaatiirtuna nolosheeda ayaa ku dhow dhammaad.

 

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here