Guddoomiye Yariisow oo lagu dhaliilay waxqabad Xumi & Thaabit oo la tabay(Aqri Warbixinta)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), ayaa ku fadeexowbay bulaacadaha iyo waliba biyaha roobka ee fariistay Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Laamiyada qaar oo horay loo sameeyay ayaa hadda waxay noqdeen kuwo bur buray ama dumay markii ay biyaha roobka fariisteen,waxaana qaarkood waddooyinka yaala wasaq aanay suurta gal ahayn iney gaadiidka iyo dadka adeegsadaan.

Guddoomiye Yariisow oo si adag loogu weeraray baraha Bulshada,islamarkaana lagu dhaliilay waxqabadkiisa mudada gaaban uu joogo xafiiska.

Muuqaalo laga sameeyay Wasaqda taala magaalada iyo sida uusan uga jawaabin guddoomiyaha ayaa sii kicisay markii uu arkay Baraha Bulshada oo si aad ah looga hadal hayo.

Dhalinyarada qaar ee ku dacaayadeeyay Guddoomiyaha Baraha Bulshada ayuu si gaar ah ula hadlay Guddoomiye Yariisow isagoona u sheegay inuu joojiyo dacaayadda iyo aflagaada,islamarkaana lagala shaqeeyo horumarinta deegaanka.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa lagu ammaanay waxqabadkiisa hagar la’aanta ah ee u hayay Bulshada Gobolka Banaadir lana tabay.

 

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here