Gaas:-“Ma jirto Cid Noola Siman Dowladda Imaaraadka Carabta”,!!

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo warbaahinta kula hadlay xerada ciidanka Badda Puntland ( PMBF) ee ku taala duleedka Magaaladda Bosaaso, ayaa ka hadlay arinta khilaafka Imaraaadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa cadeeyay inaanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dowladda Imaaraatka.

C/wali Gaas ayaa si cad u sheegay in Dawlada Imaaradku gacan weyn ka siiyeen shacbiga Puntland xoojinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixsada iyo burcad badeedka.

Sidoo kale madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa xusay inaanu jirin cid  Puntland ula siman dowladda Imaaraatka Carabta.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Imaaraadku mashaariic malaayiin dollar ku kacaya ay Puntland ka wadaan.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xili Todobaadkaan Puntland ay isaga baxeyn tababarayaal u dhashay dalka imaaraadka Carabta,kadib markii uu xumaaday Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

 

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here