XOG: Dowlad shisheeye oo dalbaday iney soo fara geliso Khilaafka Kheyre & Jawaar, Ogow cida ay..

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku howlan sidii uu u soo fara gelin lahaa Xiisada siyaasadeed ee iminka ka taagan dalka Soomaaliya una u dhaxeyso Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiye Jawaari.

Illo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa inoo sheegay in Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle qadka Taleefanka ay ku wada hadleen,islamarkaana uu madaxweyne Geelle u sheegay madaxweynaha Soomaaliya Wallaaca uu ka muujinayo Xiisada siyaasadeed ee iminka ka soo cusboonaatay Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto dadaalada socda.

Madaxweyne Geelle ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku dhiira geliyay inuu dhabarka u xirto sidii loo xalin lahaa khilaafka,islamarkaana horay loogu sii socon lahaa dadaalada iyo horumarka socda.

Khilaaf xoogan oo ku dhamaaday in mooshin leyska kala gudbiyo ayaa u dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khilaafka uu salka ku hayo ka dib markii uu diiday inuu qalinka ku duugo qorshe ka hojeeda Qaranimada Soomaaliya.

 

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here