Ciidamo ka tirsan DF oo rasaas la dhacay dad Barakacayaal ah,dhimasho iyo dhaawac oo jira

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa rasaas ku furay dad barakacayaal ah oo ku sugan Kaam ku yaalo degmada Kacda ee Gobolka Banaadir.

Inta la ogyahay rasaasta ayaa waxaa ku dhintay hal qof halka labo kale ay ku dhaawacmeen,sida ay dadka deegaanka inoo sheegeen.

Ciidamada ayaa xilliga ay Rasaasta ku furayeen dadkaasi shacabka ah waxaa la sheegay in ay socotay diiwaan galin ku aadan Kaarar Mucaawino ah oo la doonayay in dadkaasi loo qeybiyo sida qof deegaanka ah uu Shabelle u xaqiijiyay.

Maalmihii dambe ayaa waxaa ku sii kordhayay Kaamamka ku yaalla degmada Kaxda dhibaatooyinka loo geysto Barakacayaasha halkaas ku nool.

Dhawaan ayey ahayd markii kooxo Burcad ah ay lacago uga aruursadeen dadkaasi Masaakiinta ah Kaarar ay sheegeen in loogu keeno doono Mucaawino islamarkaana markii laga qaatay qoys kasta 3 dollar aan la siinin wax Mucaawino ah.

Waxaana tani u muuqataa fashil xoogan oo hareyay maamulka degmada Kaxda oo u muuqda mid maareyn waayay dhibaatooyinkaasi ulakaca ah ee loo geysto Barakacayaasha ku nool degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

 

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here