Xoghayeyaasha G/Banaadir oo maanta la isugu yeeray & is xog siin ka dib Go’aan la gaaray(Sawirro)

Xog-hayaha Guud Ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta kulan laqaatay Xog-hayayaasha Maamulka 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Xog-hayaha Guud ee Gobolla Banaadir ayaa kulana uu Maanta la qaatay Xog-hayaasha Degmooyinka Waxaa uu ahaa Mid Isbarasho iyo Xog-wareysi ah, kaas oo Xog-hayayaasha Degmooyinka kaga Warbixiyeen Xariirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya ayaga iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Howlaha ey Xog-hayaasha ka qabtaan degmooyinka ay masuulka ka yihiin.

Is wareysi iyo is xog siin ka dib ayaa Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banadir Mudane Cumar Cabdirisaaq waxaa uu kula dardaarmay Xog-hayayaasha Degmooyibka in ay sii dardargaliyaan howlaha ay bulshada u ahaan.

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here