Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada DFS Oo Lagu Dilay Wadajir

Al Shabaab ayaa sheegay in sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo Al Shabaab ay ku baahiyeen baraha Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in sarkaalkaasi uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga, islamarkaana uu u qaabilsanaa dhanka tababarada sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaana Xarakada Al Shabaab Sarkaalkaasi magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Tima Cadde.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka oo ku aadan dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here