Kim Jong-un oo ammaanay Kuuriyada Koonfureed

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo ” jawiga dib u heshiisiineed” ee ay abuurtay Kuuriyada Koonfureed oo martigalineysa ciyaaraha qabobaha ee Olimbikada.

Kim Jong-un ayaa Kuuriya Koonfureed ku amaanay ku martigalinta waddankisa ciyaaraha ka dhacay Pyeongchang.

Wafdiga ka yimid waqooyiga oo ka qeybgalay furitaanka ciyaaraha ayaa waxaa hogaaminaayey gabadha la dhalatay Kim Yo-jong waxayna hadda ku laabteen waddankooda .

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Mareekanka uu ufuranyahay in ay wadahaddla la yeeshaan Kuuriyada Waqooyi.

Ka qeybgalka Kuuriyada Waqooyi ee ciyaarahan ay martigleineysa Kuuriyada Koonfureed syaa loo arkay inay dardar gelineysa xiriirka labada dal

Kim Yo-jong at the Pyeongchang OlympicsLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBooqashada haweenaydan oo ay walaal yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ahayd hadal hayska ugu badan ee ciyaaraha Soel

Booqashada Kim iyo Kim Yong-nam ayaa ah tii ugu horreysay oo ay xubna ka socdo Kuuriyada Waqooyi ku tagaan Kuuriyada Koonfureed tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii labada Kuuriya sanadkii 1950-kii.

Labada Kuuriya waligood si rasmi ah uma saxiixan heshiis nabadeed markii uu dhamaadey dagaalkaasi.

North Korean cheerleaders wearing masks during the ice hockey match

Hase yeeshe,Sabtidii haweeneyda lagu magacabo Kim waxay gudoonsiisay warqad Madaxweye Moon oo ka timid walaalkeed ,isagoo ku casuumayaa in uu soo boqdo Pyongyang.

Haddii uu kulankaasi qabsoomana ,waxay noqonaysa markii ugu horreysay oo hogaamiyayaasha labadda Kuuriya ay kulmaan.

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here