Arrin Fadeexad ku ah Guddoomiye Yariisow oo lagu arkay Bakaaraha” Tollow ma baabi’in doonaa”

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, ayaa ka dhawaajiyay in uu bilicda iyo nadaafadda Muqdisho kula xisaabtamayo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa degmooyinka qaar waxaa ka jira bilic xumo iyo biyo dhex fadhiya qeybo ka mid ah wadooyin mihiim ah iyo goobo ganacsi oo ku yaala Muqdisho

Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa koowaad ee Soomaaliya iyo Muqdisho ugu weyn wuxuu ka mid yahay meelaha ay ka jirto bilic xumada magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa isgoysyada Bakaaraha iyo Balaaksii oo kala qeybiya degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo qeybo ka mid ah go”an biyo wasaq ah oo halkaas fadhiya.

Sidoo kale waxaa xiran wadada Ka baxda isgoyska bakaaraha ee aada Baar u bax taas oo ka xiran agaarka maskidka Xareed inkastoo wadaas hore loo dhisay hadana wali waxay tahay mid u xiran biyo fadhiya maadaada aana markii horaba si wanaagsan loo dhisin.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha Muqdisho ayaa maanta booqday Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Cirtoogte waxaana uu kasoo qaaday sawiro dhowr ah oo muujinaya bilic iyo nadaafad darro ka jirta halkaas xilli gudoomiye yariisoow uu sheegay inuu maamulkiisa la xisabtanayo gudoomiyaashs degmooyinka .

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here