Roobow waa nin Raxanweyn ah: Nin abaal ergaday, oo loo guday, haddaad xusuus leedahay garo

Roobow nin abaal ergaday, oo loo guday. Haddaad xusuus leedahay garo, haddii kale hoos ka aqriso.

Ha la soo dhaweeyo odayga, yaanse hub na lagu siin, sidii shalay mareegaha qaar ay qorayeen, yuusan anaga dib noogu soo adeegsane!

Maalin dhexe ayaan qoray, in la soo xerogaliyo Roobow, haddii lagu guulaystana waa heersare.

Ceeb iyo wajigabax ka weyn ma jirto, in aad dad MUSLIN ah ka soo cararto (ALSHABAAB), oo aad GAALO (SOOMAALI) soo magansato.

Roobow, kuwa uu ka soo baxsaday, ee ALSHABAAB ah, iyaga ma ahane Soomaalida inteeda kale waxay u yaqaannaan GAALO!

Alla GAALADU gobsanaa, oo dhaqan wanaagsanaa, saa ku ma dilayaan, ku ma ciqaabayaan, ku ma xukumayaan, ee waxay kuu soo dhaweynayaan, sidii geesi oo kale!

Ma ahan markii u horraysay, ee madax Shabaab ka mid ah ay ka soo cararaan is la Shabaab, oo hore ayey u dhacday, wayna dhicidoontaa.

Xasan Daahir Aways oo hore u la midoobay Shabaab 2011, ka dib burburkii Xisbul Islaan, ayaa markii dhulkii uu ciriiri ku noqday, wuxuu Shabaab ka soo baxsaday 2013, haddana xabsi guri ku ah Muqdisho.

Sidoo kale, Maxamed Siciid Atam, oo ka dagaalllami jiray degaanka Galgala, ayaa 2014 ka soo goostay Shabaab, ka dib markii ay xaaladdu ku xumaatay, waxaana magangalyo laga siiyey dalka Qadar, oo u hadda deggan yahay.

Sidoo kale, Zakariye Ismaaciil Xersi, madaxii hore ee sirdoonka Shabaab, ayaa 2015 ka soo cararay, ka dib markii uu waayey meel uu is ku qariyo, lagana soo qabtay isaga oo ku dhuumaalaysanaya gobolka Gedo, haddana xil sare looga dhiibay sirdoonka dalka.

Ani ahaan, Roobow wuxuu iga la dadnimo fiican yahay, kuwii dhuumaalaysiga iyagoo ku jira la soo qoorqabtay sida Maxamed Siciid Atam, Xasan Daahir Aways iyo Zakariye Ismaaciil Xersi.

Labada dambe, tolkood u ma roonaan, mana dhawrin magantood, ee Roobow markii uu qabsaday gobolka Baay, madaxdii uu qabtay oo dhan waa sii daayey, sida Xaabsade iyo Afaraale, balse, kooxda Zakariye, markii ay Kismaayo qabsadeen, is ka daa, in ay madax daayaane, dhallinyaradii dagaalka ku jirtay, ee ay nolol ku qabteen ayey sii dhaawactireen! Dhaqan bahalnimo ah!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan,

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here