WAR CUSUB:Tarsan oo Madaxweyne Farmaajo u diray Dalab Xasaasi ah: “Waa inaad joojisaa saxiixa…” [AKHRISO]

Duqii hore ee Muqdisho iyo Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa baaq xasaasi ah u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Tarsan oo ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha ayaa talo soo jeedin u diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo dalbaday in la joojiyo falka dilka ah ee dowladu fuliso.

 “Waxaan soo jeedinayaa in xilligaan la joojiyo dilka Toogashada, maadaaama Garsoorayaasha Dalka aysan Khibrad u lahayn habka qaadista Dacwooyinka ku saabsan Dambiyada Dilka ee dhaca..” ayuu yiri Mudane Tarsan oo ka hadlayay maanta xaflad lagu xusay sanadguurada saddexaad Xisbiga Midnmo Qaran.

Wuxuu baaq toos ah u diray Madaxweyne Farmaajo isagoo u sheegay inuu joojiyo saxiixa dilalka Toogashada ah, inta laga helayo Garsooryaal Khibrad leh oo qaadi kara Dacwooyinkaas Xasaasiga ah.

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here