XOG: Dibadbax Ka Dhan Ah DFS Oo Ka Dhici Doona Muqdisho

Waxaa socda qorshe shacabka Muqdisho ay ku doonayaan iney ku dhigaan dibadbax ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo shacabkaan codsi wata.

 Shacabka ayaa doonaya in dowladda ay cadaadiska ka qaaddo, ay furto waddooyinka la xiray iyo sidoo kale jidcadayaasha dhagxaanta lagu jaray.

Xaafadaha Muqdisho qaarkood ayuu abaabulkaan ka socdaa sida aan xogta ku helnay, waxaana la doonayaa in loo sheego Farmaajo in  Ballantii lagu doortay sidaan ahayn.

Dadka ayaa dowladda Farmaajo ka sugayey xornimo, hufnaan, iyo shaqo dardar ah, balse dowladdan waxay xirtay dhammaan jidcadayaashii Muqdisho.

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here