KASHIFAAD: M/weyne Axmed Madoobe oo Hub culus siiya Shabaab

Maxamed Cali Yuusuf oo ah Xildhibaan laga soo saaray Baarlamaaanka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  (Axmed Madoobe) in uu taageero Al Shabaab.

 Waxa uu sheegay Mudane Maxamed Cali Yuusuf in Axmed  Madoobe Al Shabaab uu ku kabo saanado dagaal sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhawaan Xildhibaanno ka tirsanaa Maamulkaas kala noqday Xasaanadoodii.

Si kastaba Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada ay ka jiraan adeegyo horumarineed iyo dhaq dhaqaaqyo u muuqda soo kabasho marka loo eego maamul Goboleedyada qaar.

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here