KASHIFAAD: Dowladda Farmaajo Oo Fadeexad Shacab Ku Furantay iyo Warar Sheegaya In…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxay ka bilowday howlgalka xasilinta caasimadda, kaasi oo si rasmi ah u bilowday dhammaadka bishii aynu kasoo gudubnay ee June.

 Waxaa guud ahaan magaalada Muqdisho lagu soo daadiyey ciidamo isku dhaf ah looguna magac daray xasilinta caasimadda, kuwaasi oo waddooyinka baaritaan ka sameeya.

Inkastoo howlgalkaan uu yahay sida muuqata mid amniga lagu sugayo, waxa la sugayana ay yihiin ammaanka shacabka ayaa hadana waxaa soo baxaya caqabado badan.

Inta uu socday howlgalka loogu magac daray xasilinta caasimadda waxaa ka dhaca Muqdisho 3 qarax oo ismiidaamin ah, waxaana mid kamid ah la socday dabley hubeysan oo gudaha u galay Pizza House.

14-kii bishan July, weerarkii Pizza house ee ay ku dhinteen 25-ka qof, wixii ka dambeeyay waxay dowladda howlgalka xasilinta caasimadda kusoo dartay dhagxaan lagu xiray waddooyinka magaalada Muqdisho, kaasi oo noqotay arrin culeys badan ay kala kulmeen shacabka.

 Maxamed Abukar Islow, waa wasiirka amniga dowladda Federaalka, wuxuu shacabka u sharaxayaa sababta ay dhagxaanta ugu xireen jidcadayaasha Muqdisho.

“Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeya ciidamadda howlgalka ku jira”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Hadalka wasiirka waxaa ku jirtay Labo arrin oo ah in shacabka amnigiisa sugayaan, sidoo kalena Jidcadayaasha loo xiray gaadiidka sida qaraxyada oo soo dhexmara, maadaama ciidamada ammaanka laamiyada taagan yihiin.

Iydoo howlgalka sidii hore si ka xoog badan u socdo, ciidamada ammaanka laamiyada joogaan, gaadiidka ku baaraan, sidoo kalena jidcadayaasha Muqdishana lagu xiray Dhagxaan ayaa waxaa dhacay Labo qarax kale, waxaana ku dhintay Dad shacab ah.

20-kii bishan gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana uu la socdo qof is naftuu hure ah ayaa ku qarxay xarunta degmada Wadajir, waxaana halkaasi ku dhintey in ka badan 17 ruux, waxaana dhaawacmay 30 kale, dhammaan shacab ayeey ahaayeen.

Waxaa Labo maalin kadib kuna began 22-ka July gaari uu wadey ruux naftuu hure ah isku qarxiyey saldhigga degmada Waaberi, gaar ahaan albaabka laga galo saldhiggaasi, waxaana halkaasi ku dhintey 8 ruux oo shacab u badan, waxaan ku dhaawacmay dad ka badan 10.

Qaraxyadan dambe waxa ay dhaceen xilli howlgalka xasilinta uu socdo, jidcayadaasha xiran yihiin, waxa ku dhammaadayna waa shacabkii ay dowladda sheegtay in amnigooda sugeyso.

“Waxaan halkaan uga tacsiyeeynayaa dadka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maanta dhibka soo gaartay ku geeriyoodey, sidoo kale waxaan alle uga baryayaan inta ku dhaawacantay inuu bogsiiyo, waad u jeedaan shacabka Soomaaliyeed dadka cadowga kusoo duulay markasto ay beegsanayaan shacab, hadda waxa meeshan lagu soo weeraray waa shacab, waxaan alle ka baryayaa inuu cadowgaasi naga qabto, waxaan sidoo kale leeyahay dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan inaan u midowno oo gacan bir ah lagu wada qabto, wey mahadsanyihiin shacabka sidey noola shaqeeyeen bisha Ramadan, waad dareemi kartaa in qof naf la caari ah intuu baaabuur lasoo cararay oo meel shacab jooga isaga beegsaday, hay’adaha amniga waxaan  farayaa in dedaalkooda Labo laabaan, ma ahayn in  meeshaan gaari uu soo gaaro, qaddar Alle ayeey ku dhacday

Inta howlgalka xasilinta Muqdisho socday waxaa bil gudaheeda dhacay Saddex weerar sidaan kor kusoo sheegnay, waxaa ku dhintey 50 qof wadarta guud, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 55 kale.

Dowladda waxay gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan kadib howlgal ka dhacay suuqa Bakaaraha, waxayna sidoo kale qabatay hub faro badan.

Dulucda Warbixinta:

Shacabka Muqdisho waxay hadda u muuqdaan kuwo dareemaya ciriiri badan, sababtoo ah Jidcadayaashii oo dhagax looga xirey, waddooyinkii oo ciriir noqday, amnigooda oo weli sugneyn maadaama qaraxii dhacaaba shacab ay waxyeello kasoo gaareyso.

Darwaladda kaxeeya gaadiidka dadweynaha oo qaarkood la hadlay Warqaad.com, waxay sheegeen in hadda ay ku dhow yihiin in gaadiidka ay iska dhigaan, sababo la xiriirtay shaqadii oo ka yaraatay maadaama waqti badan ku baxayo meelaha Koontaroollada ah oo gaadiidka lagu baaro.

Maalin Axmed, waa shaqsi kaxeeya mid kamid ah gaadiidka dadweynaha, si gaar ahna uga shaqeeyan Sanca illaa Isgoyska Banaadir ee Muqdisho, waxa uu sheegay in maalintii ugu yaraan uu sameyn jirey 4 wareeg oo sii socod iyo soo noqod ah (Go And Back) balse wuxuu tilmaamay in hadda maalintii uuba si dirqi ah ku sameeyo Hal wareeg (Go And Back).

“Annaga waxaan nahay dad shaqeysta ilmo ayaa wax naga sugaya, gaadiidka badi ma lihin, wixii aan shaqeynno ayaan wax ku leenahay, meel walbo waxaa la dhigay askar la sheegay iney gaadiidka baarayaan halkii meel ugu yaraan 30 daqiiqo ayaad ku jireysaa ciriiriga jira waxaa laga yaabaa in mashquul badan ee laamiga soo koray kasii daran yahay, suurtagal ma ahan in sidii hore ama wax u dhow aad u shaqeysato” Maalin ayaa sidaasi yiri.

Nimco, waa gabar magaceeda inoogu soo koobtay, waxay kamid tahay dadka shaqada u aada magaalada Bartamaheeda, waxaana ay tilmaantay in ciriirga iyo mashquulka gudaha magaalada a jira awgeed ay mar walbo dib uga dhacdo shaqadii, taasna xitaa mararka qaar laga yaabo iney lugeyso.

“Tusaale aniga shaqada 9-ka subaxnimo ayaan galayaa, haddii aan gurigeyga kasoo tago 8-da waqti igu filan ayaan haystay oo aan ku imaanayey, laakiinse  hadda waxaa imaadaa anniga oo aad usoo daahay xitaa haddii aan soo baxo waqtigii aan soo baxayey kahor”

Qaar kamid ah shacabka oo aan la sheekeysannay waxay sidoo kale sheegeen in hadda qarsh badan uu kaga baxo bas raaca, sababtuna waxay ku tilmaameen in gaadiidka qaar markii ciriiriga la kulmaan oo ay waayaan meel kale oo ay maraan ay dadka meesha ay joogaan ku daadiyaan kana qaataan inta badan lacagtii Bas raaca ee heshiiska ahaa, kadibna qofka uu ku qasabanaanayo inuu bas kale raadsado.

Maxay sugayaan shacabka Muqdisho?

Shacabka Muqdisho ku dhaqan ayaa markaan waxay ka sugayaan dowladda Federaalka ah iney la timaado hannaan ka duwan sida hadda wax ku socdaan ee amni sugista ah, sida dadka aynu la sheekeysannay qaarkood inoo sheegeen.

Waxay dadka mar walbo kusoo celcelinayaan inaanay marnaba fileyn in Muqdisho ay dib ugu laabato xirnaanshiyahii badnaa ee waddooyinka mar haddii madaxweyne Farmaajo horey u sheegay inaanu shacabkiisa waddo ka xiri doonon wax walbo oo yimaada.

Lama oga dowladda Federaalka Soomaaliya xilliga ay dib u furi doonto waddooyinka dhagxaanta lagu jaray, lana yareen doono culeyska badan ee hadda muuqda iyadoo amnigana la sugayo.

Ugu dambeyn dowladda waxaa laga sugayaa iney maanka shacabka ka saarto su’aasha ay hadda is weydiinayaan ee ah Ma Amni Sugid Mise Shacab Xanibid?

NOO REEB FARIIN

Please enter your comment!
Please enter your name here